Ku soo-dhawoow Wikipedia

Insaykalobeedhiya xorta ah e qofwalbana wax ka bedeli karo

Wikipedia Soomaaliga waxaa ku jirta 5,740 maqaal, Hubi gaarista ama habka mobilka

Bogagga oo dhan oo si alifba ah isugu xiga   Boggaga qaaska ah   Caawinaad

  • Boggaga oo dhan oo si alifba ah isugu xiga
  • Boggaga qaaska ah
  • Fikrad ka dhiibo Wikipediaha
  • Maqaal cusub qor
  • Ogeysiis
  • Boggag cusub
  • Caawinaad
Maqaal Xul ah

Quraan (Af-Carabi: ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ) waa kitaabka Alle ﺍﻟﻠﻪ (s.w.t) ku soo dejiyay Nebi Maxamed (n.n.k.h), kaas oo ku qoran luuqada carabiga. Kitaabka Quraanka wuxuu saldhig u yahay diinta Islamka dhamaanteed. Quraanka kariimka ah waa hadalka Ilaahay (ﺍﻟﻠﻪ) kaas oo malaga Jibriil u soo gudbin jirey Nebi Muxamed (n.n.k.h) wakhti 23 sano ah, oo ku bilaabmaysa Diisembar 22keedii sanadkii 609 C.D (Ciise Dabadii), wakhtigaas oo nebigu ahaa 40 jir ilaa markii taariikdhu ahayd 632 Ciise Dabadii, oo ku beegan sanadkii Nabi Maxamed (n.n.k.h) geeriyooday. Sidaa diinta Islaamku sheegtay kitaabka Quraanku waa midka ugu sareeya kitaabyada ee Ilaahay ka ilaalinayo khaladka iyo musuqmaasuqa isla markaana hogaan iyo hanuunin u ah dhamaan aadamaha ku nool dunida.

Kitaabka Quraanka waxaa loo kala saaraa, guud ahaan, labo qeybood oo kala ah Makki (oo ah Quraanka ku soo dagay Nebiga intii uu magaalada Makkah joogay) iyo Madani (oo ah Quraanka ku soo dagay Nebi Muxamed wakhtigii uu magaalada Madiina deganaa). Intaasi kuma eeka qeybaha Quraanku ee waxaa kitaabku u sameeysan yahay nidaam loo yaqaano suurado, kuwaasi oo loo sii kala saaro aayado. Quraanku wuxuu ka kooban yahay boqol toban iyo afar Suuradood kuwaasi ooy ugu horeeyso suurada Al Faatixa (mahnaheedu tahay fur-furitaan ama "bilaabid") oo ka samaysan 7 aayadood ilaa laga gaadho suurada 114 ee Al-Naas (macnaheedu yahay dadka) oo ka kooban 6 aayadood.

Kitaabka Quraanka ah dhexdiisa waxaa ku xusan dhamaan taariikhda, nolosha, tilmaamida iyo hogaanka, wixii horey u dhacay, waxa dhici doona, nolosha dunida, nolosha aakhiro, maalinta qiyaame iyo xisaabta, iyo dhamaan macluumaadka nooleha. Sidoo kale, Ilaahay (s.w.t) wuxuu ugu tallo-galay in kitaabku noqdo mid hogaamiya nolosha dadka. Suurad kasta iyo aayad kasta oo ka mid ah kitaabka Quraanka Kariimka ahi wax ayay tilmaamaysaa isla markaana faraysaa ama ka reebaysaa dadka.

Wadajirka Quraanka iyo Xadiisku waa sharciga saxda ah ee Alle ugu tallo galay in aadamahu isku maamulaan, waxaana loo yaqaanaa Sharciga Shariicada. Intaasi waxaa dheer, Quraanka oo lagu akhrinayo luuqada carabiga ayaa waxa la akhriyaa wakhtiga la tukanayo salaadaha. Qofka xafida 114ta Suuradood ee Quraanka waxaa loo yaqaanaa Xaafid. Jiijiidida iyo qurxinta codka marka la akhrinayo Quraanka waxaa loo yaqaanaa towjiid. Si kastaba ha ahaatee, bisha Ramadaan dadka muslimiinta ahi waxay dhamaystiraan akhrinta dhamaan Quraanka ayagoo ku tukanaya salaada tarawiixda. (SII AQRI)

Maqaallo Xul Ah

Maqaal Cusub

Waa mid ka mid ah dadka ugu cad cad madaxda dalalka islaamka ee casrigaan, waana mid ka mid ah dadka ugu magaca dheer ummadda muslimiinta dhexdooda ,waa hormariyaha dhanka dhaqaale Wax barasho, Teknoloji ee dalka Malaysiya, da'diisu iminka waa 80 iyo dhowr sano jir. Waa ra'iisul wasaaarihii Malaysiya intii u dhexeysey 1981 ilaa 2003.

Dadka ayaa waxay ku tiriyaan inuu yahay ninka da'yartii dalkiisa intii wax baranaysay u kala diray dalalka Maraykanka, Ingriiska iyo dalal kale ee caalamka si ay uga soo shidaal qaadaan dhanka wax barshada isla markana ay dalka ku soo celiyaan waxii ay soo barteen sidaa ayay ku gaareen hormarka ay maanta ku taamayaan reer Malaysia.

Dadka muslimiinta qaar badan oo ka mid ah ayaa waxay ku fakaraan in ay helaan madax wayne ama raisul wasaare isaga la mid ah maadaama uu dalkiisa ka gaaray guulo waa wayn,waa ninka aan saaxiib quwadeed (Military) la lehayn dowladaha reer galbeedka ee inta badan iminka caalamka islaamka madaxda ka talisa ay xiriirka la lee yihiin,wax uu yiraahdaa hadii aan ka dalbano taageero ciidan ama mid dhaqaale iyaga ayaad hoos imaan oo waxa ay ku amraan ayaad samayn ma doonayo sidaa waxaan rabaa shacabka dalkayga waxa ay raali igaga yihiin

Wax uu aamin san yahay in dhibka dunida Islaamka iminka ka taagan ay masuul ka yihiin Bush iyo Blair iyo inta raacsan waxaana uu ku baaqay marar badan in maxkamad caalami ah la soo hor taago ragaasi waa sida uu sheegay (SII AQRI)

Maqaal Cusub

Xusuusta Wikipedia
Maanta Oo Kale


Xusuusta dhacdooyinka maanta

Xusuusta Dhacdooyinka Maanta :

Kuwa ugu muhiimsan Xusuusta dhacdooyinka sanadkaan - Maalmaha sanadkaan oo dhan

Waa maxaay Wikipedia ?

Wikipedia (loogu dhawaaqo ˌwiˑkiˈpidi.ə). Waa bar laga helo Web-ka oo ah Qaamuus qoran. Waxaa qorey dad iskood ugu qora luuqadadooda oo aan dawlad ama haayadi diran. Qofkwalba oo guriga khatka internetka ku heysta, yaqaanana sida loo isticmaalo wuu ka qeybqaadan kaaraa Qaamuuskan oo sidii cilmi Soomaaliga ku qoran loo soo gelin lahaa halkan. Arintan oo la bilaabay 2001 Ingiriiskuna (english) ugu horeysey ayaa waxaa ku xigey luuqado badan oo kuwa ugu waaweyn ay yihiin Jarmal , Faransiis , Isbanish iyo Talyaani.

Taariikhdu markii ay ahayd 18/01/2012 ayaa waxa hawada ka baxay wikipedia laakiinse isla maalin ka bacdiba waa ay ku soo noqotay hawada.

Dhacdooyinka hadda

  • Malaysia Airlines Flight 370 (sawirka diyaaradda), kasoo kacday Kuala Lumpur kuna socotay Beijing lana socdeen 239 qof, ayaa lagu waayey Gacanka Thailand.
  • Maxkamadda dembiyada dagaalka ayaa ku heshay nin u dhashay kongo ee Germain Katanga dembi.
  • 2014 Winter Paralympics 2014 Winter oo la furay Sochi, Ruushka.
  • Gobol Ukrain ka mid ah oo la modoobaya Ruushka kuna biiraya Federeeshinka ruushka.
  • Gudoomiyaha gobolka Banaadir Muungaab ayaa booqday qaar ka mid ah dagmooyinka xamar.

Warar dheeraad ah...

Wiki WararkaDhacdooyinka Hadda iyo dheeraad...

Hooyga Wikiga

Waxyaabaha ku jira · Hooyga Wikiga · Qaybaha Guud · Lagu soo koobay Xul · Tusmo A-Z

Baayooloji · Diimaha · Sooyaal · Taariikh · Farsamo · Hiddaha iyo Dhaqanka · Juqraafi · Xisaab · Caafimaad · Diyaaradaha · Saynis · Falsafad · Fiisikis · Qaynuun · Kimistari · Bulsho · Dhamaan Hooyga Wikiga

Ma Ogtahay...

Baho Cadceedeed (ingiriis: Solar System) waa qoraxda, 8da meere, dayaxyo badan oo ku wareega meereyaasha, dhowr duniyar iyo tiro badan oo dhagaxaan, baraf iyo hawoooyin ah; kuwaas oo dhamaantood ku wareega qoraxda oo badhtanka ku taala. wareega qorax

Bahda Qoraxdu Midaysay waxay ka tirsan tahay nidaamka Galaagsiyada ee loo yaqaan The Milky Way. Waxaana la sheegaa in meerayaasha, dayaxyada, dunidayar iyo dhamaan walxaha ku jira bahdan ay sameeysmeen wakhti hada laga joogo 4.5 bilyan oo sano ka hor 4.5 bilyan oo sano ka hor

Inta ugu badan cufka iyo mugu waxaa laga dhex helaa qoraxda oo ugu weyn dhamaantood, iyo meeraha Cirjeex oo ugu weyn meerayaasha sideeda ah. Afarta meere ee u dhow qoraxda - Waxaraxir, Dusaa, Dhulka iyo Farraare - kuwaas oo loo yaqaano Meere Dhagaxley, waxay inta ugu badan ka samaysan yihiin bir.Afarta meere ee u dhow qoraxda - Waxaraxir, Dusaa, Dhulka iyo Farraare Dhinaca kale, afarta meere ee banaanka u baxsan ee loo yaqaano Neefaha Waawayn - Cirjeex, Raage, Uraano iyo Docay - kuwaas oo aad uga jidh iyo xajmi wayn meerayaasha dhagaxleyda ah, waxay ka samaysan yihiin neefo. Neefaha Waawayn - Cirjeex, Raage, Uraano iyo Docay

Labada meere ee ugu xajmiga wayn bahda midaysay qoraxdu, Cirjeex iyo Raage, waxay ka kooban jihiin curiyeha haydarojiin iyo hiliyaam, labada ku sii xiga ee Uraano iyo Docay waxay ka samaysan yihiin sheeyo dhalaali kara oo inta ugu badan ah baraf.

MAQAALKA SII AQRI · Maqaallo kale oo Kala duwan
Ma ogtahay dheeraad ka sii aqriso halkaan...
Sawirka Maanta

Soo Bandhig Sawirkaada Xulka ah

Waxaa La Yiri
 

Minjo dhooqo leh, marba mid baa la siibaa ama la'qadaa *** Naag, naag ka umulisay iyo nin reer u weyni, midna siday wax u ogyihiin uma sheegaan.

Xoolo quureed waa la qaataa, soor quureedse lama qaato. *** Wax aanad filaneyn iyo fallaari waa kaa fuc siiyaan ( fajaciyaan). 


WikiOraah Kale

Oraahda Saxda ah
Waxay saxaafadda qaarkeed qortaa: Ereyo isgu jira ajnabi iyo soomaali Tusaale ahaan April, Ereyo shaqalka laga qalday Dowlada
Waxaa haboon in loo qoro: Sida Saxda ah waa Abriil iyo Dawladda

WikitFiira gaar ah ee kale

Qeybaha maqaalada Wikipediaha
Cilmiga aanan sayniska ahayn

Cilminafsi · Taariikh · Luqadaha · Cilmiga bulshada 

Siyaasad iyo bulsho

Ganacsi · Waxbarasho · Joornaalo · Gaadiidka · Beeraha · Dagaalada · Caafimaadka · Dowladaha

Diin

Diimaha · Mutolojiyada

Hiddo iyo dhaqan

Gabayada · Filimaanta · Muusig

Saynis

Bayoloji · Fiisigis · Kimisteri · Juquraafi · Xisaab · Cilmidayax . Xiddigis

Teknooloji

Elektaroonig · Internet · Kumbuyuutarada

Ciyaaraha iyo madadaalada

Teleefishinka · Ciyaaraha

Kuwa kale

Kalandar · Shaqsiyadaad · Waqti

Mashruucyo qaraabo la'ah Wikipedia
Wikipedia waxaa maamula urrur aanan faa'ido raadinnin oo ah Urrurka-Wikimedia, kaasoo maamula mashruucyokale oo xor ah kuna saleeysan luqado kala gedisan:
WikiQaamuus
Qaamuus
Wikikirjasto
Buugaag bilaash ah
Wikisitaatit
Sitaattikokoelmia
Wikiaineisto
Vapaiden tekstien arkisto
Wikispecies
Lajien luettelo
Wikinews
Warrarka
Commons
Feylasha guud
Meta-Wiki
Hagida guud ee mashruucyada Wikimedia

Wikipediyahaan waxaa ku qoran Af-Soomaali. waxaa la bilaabay 2001, hadda waxaa ku jirto in kabadan 5,740 oo maqaal. Luqadaha kale oo ugu waa weyn hoostaan ee ku tixanyihiin

All

This article is issued from Wikipedia. The text is licensed under Creative Commons - Attribution - Sharealike. Additional terms may apply for the media files.